Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shil ka dhacay wadada isku xirta Gaarisa iyo Mombasa ee dalka Kenya ayaa si weyn uga nixiyay dadweynaha, kadib markii ay ku dhinteen nin iyo laba gabdhood uu dhalay oo mataano ah.
Axmed Amiin Cantar ayaa labadiisa gabdhood ee Najmo iyo Naciimo oo mataano ah waxa uu ka soo qaaday dugsiga sare ee Sheekh Khaliifa ee Mombasa, halkaas oo looga qaaday imtixaan ay u galeen fasalka koobaad ee dugsiga sare.
Labada gabdhood ayaa kamid ahaa ardayda natiijada dugsiga dhexe helay todobaadkii hore, waxaana ay ku safrayeen gaari uu aabahood u waday.
Najmo ayaa imtixaanka ka heshay natiijo ah 399, halka Naciimo ay keentay 401. Ardayda ugu horreeyay Kenya ayaa helay 428.
Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Boji ee ka tirsan Hola, kadib markii uu gaarigooda ka hor yimid mid xamuul ah, halkaasna ay ku naf waayeen Axmed iyo labadiisa gabdhood, sida uu sheegay taliyaha booliska ee Tana River, Patrick Kafulo.
Axmed ayaa ahaa agaasimaha gobolka waqooyi bari u qaabilsan hay’adda tayo dhawrka Kenya ee KEBS.
Axmed iyo labadiisa gabdhood ayaa saaka lagu aasay xabaalaha Tawakal ee magaalada Gaarisa. Dadkii yaqaanay waxa ay ku tilmaameen nin danyarta u wanaagsan oo cibaado badan.