Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.
Mareykanka oo laalay $1.1bn oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd Ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5bn.
Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1bn (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee Dalka Ingiriiska.