Hayโ€™adda SoDMA iyo Culimada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah yeeshay.

0
26

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-๐—›๐—ฎ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ (๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—”) ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐˜‚๐—น๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ayaa isugu yimid shir wada-tashi ah oo diiradda lagu saaray, kor-u-qaadista xiriika wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya SoDMA iyo Culimada, ka jawaabista deg-degga ah, dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka iyo sida ay Culimada Soomaaliyeed uga qayb-qaadan karaan dadaallada istiraatiijiga ah ee hayโ€™addu kula tacaalayso ka hortagga khataraha musiibooyinka.

Hoggaanka Culimada Soomaaliyeed goobta ka hadlay ayaa dhankooda soo jeediyay doodo iyo khudbado la xariira sida ugu habboon ee shacabka tabaaleysan si waxtar leh loogu gaarsiin karo gargaarka iyo waddooyinka looga gudbi karo ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda, halka ay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyadoo xoogga la saarayo ka faaโ€™iidaysiga aqoonta iyo kheyraadka gudaha.

Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhankooda qeyb ka ahaa shirka ayaa si weyn u bogaadiyay doodda iyo muwduuca shirka, iyaga oo xusay in xalka in badan oo muskiladaha ka mid ah u ku jiro wacyi-galinta iyo farriimaha cumilada ee ku wajahan bulshada Soomaaliyeed, loona baahan is-kaashi marka la joogo fulinta howlaha baniโ€™aadannimo ee Hayโ€™adda SoDMA masuulka ka tahay.