Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula yeeshay Safiirka u jooga Soomaaliya Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mr. Alper Aktas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshayaasha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Turkiga ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Turkigu waxa ay qeyb weyn ku leedahay dadaalka dib-u-dhiska dhaqaalaha guud iyo taageerada qeybo badan oo horumarka Soomaaliya ah.