Wasiirka Qorsheynta XFS oo sheegay in lagu guuleystay kordhinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud C/raxmaan Faarax oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay yareynta faqriga ,isla markaana ay u howlgashay kordhinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in hoos loo dhigay 15 % Faqriga,isla markaana lala yimid koboc dhaqaale oo gaaraya 4.7 marka loo eego halbeegga lagu cabiro heerka wax soo saarka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa qiray in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ama ay mudnaanta siineyso hagaajinta amniga dalka la dagaalanka faqriga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.