Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sacuudi Carabiya ayaa dhistay isbaheysi caalami ah ka shaqeeya helidda xal laba dowladood ah oo laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin, waxaa sidaas Khamiistii sheegay wasiirka arrimaha dibadda Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka dhinaca hadlay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.
Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in kulamada ugu horreeya ay ka dhici doonaan Riyadh iyo Brussels.
Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay todobaadkii hore in boqortooyada aysan aqoonsan doonin Israel ayada oo aan la helin dowlad Falastiin, wuxuuna si kulul u cambaareeyay “dambiyada duullaanka Israel” ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.