Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne Biden.

0
55
President Joe Biden and First Lady Jill Biden participate in a photo line at a reception for United Nations General Assembly leaders, Wednesday, September 25, 2024, at the Metropolitan Museum of Art in New York City (Official White House Photo by Adam Schultz)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga iyo dib-u-dhiska dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.