Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha guud ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka mid ah Golaha fulinta ee xoghayaaasha Baarlamaanka Pan-Afrika iyo xoghayaha guud ee golaha aqalka sare mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa magaaladda Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shirka xoghayaasha Baarlamaanka Afrika oo maanta halkaasi.ka furmay.
Shirka waxaa looga hadlay xoojinta iyo kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tayeynta xirfadaha dhalinyaradda qaaradda Afrika iyo sidii qarnigan 21-aad muhiimad gaar ah loo siin lahaa horumarka Qaaradda.