Dumarka kujira xabsiyada Iran oo cuntadii ka soomay

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Labo sano kadib markii ay dhimatay gabadh yar oo Kurdi ah oo Iran u dhalatay ka dib markii ay xireen booliska anshaxa ee Iran, in ka badan sodon dumar ah oo Iranian ah isla markaana maxaabiis ah oo ku jira xabsi ku yaala Tehran ayaa xusaya sanadguurada iyaga oo cuntadii ka soomay.

Dhowr qof oo dhaqdhaqaaqayaal caan ah iyo mucaarad oo ay ku jirto ku-guuleystihii Nobel Peace Prize, Narges Mohammadi ayaa ka mid ah kuwa ka qayb qaadanaya falka xabsiga Evin ee diidmada ah.

Mahsa Amini oo 22 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in ay ku xad gudubtay xeerka adag ee xijaabka.

Waxaa si weyn loo rumeysan yahay inay ku dhimatay gacanta ilaalada Iran, taasoo dhalisay mudaaharaadyo waddanka oo dhan ah waqtigaas.

Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in in ka badan shan boqol oo qof lagu dilay hawlgal booliis oo ka dhan ah bannaanbaxyada.