Barakacyaasha Deegaanka Luglow oo la siiyay dhul ay wax ku beeran doonaan.

0
105

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa maanta dadka barakacyaasha ah ee deggan deegaanka Luglow ee waqooyiga magaalada Kismaayo ku wareejisay dhul dhan 100 Hegtor oo loogu talagalay in ay beertaan islamarkaana ku sameeyaan wax soosaar muhiim u ah iyaga.

Dhulkan maanta lagu wareejiyay barakacyaasha ku nool deegaanka Luglow waa dhul ay diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland marka laga hadlayo dhinaca tabcashada iyo mudnaanta uu dhulkan leeyahay sido kale waxay Wasaaraddu u diyaarisay kanaaladii ay biyaha ka cabi lahaayeen dalagga halkan lagu beero iyadoo dhinaca kalana la gudoonsiiyay dadkii manta lagu wareejiyay dhulka agabkii kala duwanaa ee ay u baahnaayeen marka ay ku gudo jiraan ka shaqeynta wax soo saarka dallagga Beeraha.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya