In ka badan 28 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Iiraan.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 28 qof oo ahaa xujeey u dhashay dalka Pakistan.

Tani ayaa timid ka dib markii uu shil bas ka dhacay gobolka Yazd oo ku yaalla bartamaha waddanka Iiraan.
Waxaa shilkaasi ku dhaawacmay 23 ruux oo kale.
Baska shilka galay oo ku wajahnaa magaalada Karbala ee dalka Ciraaq ayaa siday 53 qof oo rakaab ah.

Agaasimaha Guud ee maareynta musiibooyinka ee gobolka Yazd,Cali Malekzadeh ayaa laga soo xigtay in dadka shilka ku dhintay ay isugu jiraan 11 haween iyo 17 rag ah.

Waxaa uu intaasi ku daray in 7 ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda caafimaad liidato halka 6 la daaweeyay oo isbitaallada laga saaray.

Iiraan ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee ay ku badan yihiin shilalka waxaana sanad kasta gudaha waddankaasi laga diiwaangeliyaa 17,000 oo dhimashooyin ah tani oo inta badan loo aaneeyo in aan loo hoggaansamin xeerarka taraafikada.