Barakacayaasha ku nool kaamka jiroole ee Degmada Dhoobley oo wajahaya xaalad nolol xumo.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Marka laga hadlaayo xaalado nolaleed ee ay ku suganyihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Kaamamka Magaalada Dhoobley xiligan ayaa liidata.

Dhibaatooyinka ugu daran ee heysta dadkan barakacayaasha ah ayaa waxaa kamid ah caafimaad darro, Cuntooyinka Quutul Daruuriga oo ku yar iyo xaalado kale oo isbiirsaday.

Kaam jiroole waxaa uu kamid yahay kaamamka ku yaala Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku nool in ka badan 500 qoys oo siyaaba kala duwan uga soo barakacay Deegaanadii ay hore u daganaayeen.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya