Manchester City Oo Hoggaanka Premier League Ka Tuurtay Arsenal Oo Garab Ka Weyday Tottenham

0
97

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa 2-0 ku garaacday Tottenham ciyaar sida final oo kale ahayd, waxaanay dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo Axadda lasoo gabogabayn doono.

Ciyaartan oo ay si weyn ula socdeen taageereyaasha kubadda cagta, gaar ahaan jamaahiirta Arsenal oo ku ducaysanayey in laga qabto Man City ayaa waxa qaybta hore ay kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah, iyadoo fursado aan badnayn ay labada kooxood lumiyeen.

Erling Haaland ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay ciyaartu socotay lix daqiiqadood waxa uu dumiyey darbiga difaaca Tottenham isaga oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Kevin De Bruyne.

Goolkan oo ahaa midkii 26aad ee Premier League ee uu Haaland dhaliyo xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu keenay in Tottenham ay niyad-jabto isla markaana ay dib ugu gurato difaaca iyo khadka dhexe iyaga oo joojiyey weerarkii badnaa.

Manchester City ayaa markii ay goolka dhalisay waxa uu dhaawac soo gaadhay Kevin de Bruyne oo ahaa ciyaartoyga farsameeyey goolka dib u fadhiisiyey Spurs, waxyar kaddibna waxa uu dhaawac madaxa kasoo gaadhay goolhaye Ederson.

Daqiiqaddii 68aad ayaa garoonka laga saaray Ederson oo ooyaya iyo De Bruyne oo sii wadan kari waayey ciyaarta, waxaana uu Pep Guardiola keenay Jeremy Doku iyo Stefan Ortega oo noqday labada geesi ee libintan ku suntanaaday.

Heung-min Son ayaa khasaariyey fursaddii ugu fiicnayd ee kooxdiisa ee ciyaarta uu ku dili karayey, isla markaana natiijadu ay barbarro ku noqon lahayd, waxaana kubbad uu ula tegay goolhayaha uu isku dayey inuu ka hoos bixiyo, balse Ortega oo lugaha fidiyey ayaa lugta bidix ay kaga dhacday.

Doku ayaa kubbad uu kala soo galay garabka midig, waxa xerada ganaaxa dhaxdeeda ku riday Pedro Porro oo lugta kaga istaagay, waxaana Spurs loo dhigay rikoodhe aanu muran ku jirin oo ay VAR ayidday go’aanka garsooraha dhexe.

Erling Haaland ayaa kubadda soo qaatay oo toogtay dhinaca midig ee goolhayaha halka Vicario oo dedaal badan sameeyey uu isku tuuray dhinaca bidix.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay hoggaanka horyaalka Premier League ku qabatay 79 dhibcood, halka Arsenal ay leedahay 78 dhibcood.

Horyaalka ayaa lasoo gabogabayn doonaa maalinta Axadda ee toddobaadkan foodda innaga soo haya, waxaana ay City iyo Arsenal waajihi doonaan West Ham iyo Everton sida ay u kala horreeyaan, waxaana horyaalku uu noqon doonaa mid ku xidhnaada natiijada labadan kooxood ee kulankaas.