Deeq raashiin ah oo la gaarsiisay qoysas ku nool kamamka Barakacayasha ee Degmada Dhoobley

0
96

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’ada Daryeelka Bulshada ee kaalmo ayaa deeq raashiin gaarsiisay Labo booql qoys oo ku nool kamamka Barakacayasha ee Degmada Dhoobley.

Qaar kamid ah Qoysaskii ka faa’iideystay Deeqdan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka mahad Celiyay Deeqdan iyagoona xusay in kaalmo ay ku soo aadisay xili ay baahi Weyn u qabeen Deeqdan.

Iidle Aaden Maxamed Guddoomiyaha Hay’adda Daryeelka Bulshada ee Kaalmo ayaa Sheegay in Hay’adda kaalmo ay sii wadi doonto Qeybinta Raashinka si loo gaadhsiiyo dadka baahan ee aan heysanin wax ay kaga baxaan Bisha barakeysan ee Ramadan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya