Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guushii saddexaad kasoo hoysay tartanka Champions League, waxaanay yeelatay sagaal dhibcood saddex kulan gudahood, waxaanay caawa 2-1 ku muquuniyeen Shakhtar Donetsk oo ka galaafatay xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo waqti dambe dhaawac kaga baxay garoonka.
Laba gool oo qaybtii hore ay kala dhaliyeen Ferran Torres iyo Fermin Lopez ayaa Barcelona siiyey guul kulan ay dersin ciyaartooyo ah dhaawac kaga maqnaayeen, hase yeeshee waxa gool kale oo uu dhaliyey laga diiday Lopez oo laba jeerna birta garaacay.
Barcelona oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaan samaynayn khatar badan oo dhinaca weerarka ah, waxaanay tabayeen xiddigo badan oo dhaawacyo iyo ganaaxyo kaga maqaa.
Kubbad uu Fermin Lopez birta ka jaray oo dib usoo noqotay ayaa waxa goolka ku celiyey Ferran Torres daqiiqaddii 28aad ee ciyaarta, waxaana goolkan oo hore uu garsooraha dhexe ugu tilmaamay offside fasaxday VAR oo xaqiijisay in aanu da’yarka Spain ee Lopez ku jirin offside waqtigii uu birta garaacayay.
Siddeed daqiiqadood kaddib ayay Barcelona sii dheeraysatay hoggaanka, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Lopez oo ahaa xiddigooda kulankan, halka kooxda martida ahayd ee Shakhtar Donetsk ay waqti dambe keentay gool madi ahaa.
Guushan ayaa waxa Barcelona u garab socday walwal ay ka qaadeen dhaawac soo gaadhay Joao Felix oo garoonka laga saaray daqiiqaddii 75aad, waxaana uu dhaawaciisu yimid iyadoo Sabtida ay la ballansan yihiin Real Madrid.
Dhinaca kale, Feyenoord ayaa waxa ay 3-1 ku karbaashtay kooxda horyaalka Talyaaniga ee Lazio, waxaana laba gool dhaliyey Gimenez, halka goolka kale ee sii dilay Lazio uu saxeexay Zerrouki.