Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Caqabadaha ugu badan ee ay la kulman Haweenka uurka leh ee ku nool kaamamka Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka mid ah inaysan kaamamka aysan ka jirin xarun gaar u ah Hooyada iyo dhalaanka oo loogu talo galay in lagu Daaweeyo ama lagu dhaliyo Haweenka.
Inta badan Arintan ayaa keenta in haween badan ay ku dhalan guryaha islamarkana la kulman dhiig bax maadaama aysan awoodin inay bixiyaan lacagihii ay ku tagi lahayeen xarumaha caafimaad ee gaarka loo lee yahay.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegeysa