Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeyga reer Spain ee Cesc Fabregas ayaa magacaabay saddex kooxood oo Premier League ah oo uu jecel yahay daawashadooda, waxaana uu ka saaray kooxdiisii hore ee Chelsea ee uu kula guuleystay horyaalka Premier League oo aanu kusoo darin liiska, sidoo kalena waxa aanu xulashadiisa kusoo qaadin kooxaha waaweyn ee Liverpool iyo Manchester United.
Kubbad-sameeyaha reer Spain ee ciyaaraha ka fadhiistay oo waqtigiisii ciyaareed kusoo qaatay Arsenal, Barcelona, Chelsea, Monaco iyo waqti kooban oo dhamaadkii ahaa oo uu tegay Talyaaniga, ayaa waxa uu si dhow ula socdaa naadigiisii hore ee Gunners iyo laba kooxood oo kale.
Laacibkan hore oo uu soo barbaariyey Arsene Wenger, ayaa waxa uu sheegay in kooxda wacdaraha ka dhigaysa horyaalka Premier League ee Brighton ay soo xasuusiso naadigiisii hore ee Arsenal gaar ahaan waqtigii uu laylin jiray ruug-caddaaga reer France, sidaas daraadeedna uu u daawado isaga oo ku raaxaysanaya sida ay u ciyaaraan.
Waxa kale oo uu Fabregas sheegay in uu ku raaxayso daawashada labada kooxood ee Manchester City oo saddexlay koobab ah ku guuleysatay xilli-ciyaareedkii hore iyo naadigiisii hore ee Arsenal.
“Brighton waxa aad ogtahay in ay yihiin koox si hoosaysa ku bilaabata oo kubadda haysata, marka ay degdeggayaanna waxa ay helaan boosaska saxda ah ee ay kubadda marinayaan. Waxay garanayaan waqtiga ugu habboon ee ay ciyaartoydu weerarka qaadayaan, ama ay kordhinayaan xawaaraha. Waa koox degdegta oo ciyaarta kubbad qurux badan oo dhamaystir fiican.”
Waxa kale oo uu kooxo ay kubaddoodu isku dhowdahay ku tilmaamay Arsenal iyo Manchester City oo kubbad isku-dhiib iyo qaab-ciyaareed aan baqasho lahayn.