Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Newcastle ayaa halis ugu jirta inay ciqaab kala kulanto UEFA ka hor kulankoodii ugu horeeyay ee Champions League muddo 20 sano ah.
Talaadada Magpies ayaa garoonka San Siro kula ciyaari doonta kooxda 7-jeer haysata horyaalka Yurub ee AC Milan kulankooda furitaanka Group G,halkaas oo ay sidoo kale ku wada jiraan kooxaha Paris Saint-Germain iyo Borussia Dortmund.
Laakiin isku diyaarinta kulanka ayaa qalqal gashay ka dib markii duufaano ay dib u dhigeen duulimaadkoodii Milan.
Waxaa lagu waday inay baxaan 2:30pm balse waxaa jirtay dib u dhac labo saacadood ah iyagoo duulay 4:49 galabnimo.
Waxay ugu dambeyntii ka soo degeen garoonka Milan Malpensa, laakiin shirka jaraa’id, oo ay qaban lahaayeen Eddie Howe iyo xiddigii hore ee Rossoneri Sandro Tonali, ayaa dib u dhacay sababtaas aawadeed.
Newcastle ayaa sidaas darteed laga yaabaa inay wajahdo ganaax ka dib markii ay ku xad-gudbeen sharciga UEFA, inkastoo ay rajeynayaan loo naxariisto madaama xaalada at aheyd mid gacantooda ka baxsan.
Kooxda Waqooyi Bari ayaa ciyaartii ugu dambeysay ee Champions League waxa ay aheyd wareega seddexaad ee isreebreebka guuldarada ka soo gaartay Partizan Belgrade ee Serbia sanadkii 2003dii.