Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan ka gaadhay suuqa iibka ciyaartoyda kaddib markii uu ka dhaawacmay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo muddo laba bilood ku dhow garoomada ka maqnaan doona.
Carlo Ancelotti oo hore u shaaciyey in ay uga dhamaatay suuqa iibka ciyaartoyda oo aanu wax ciyaartooyo ah la saxeexan doonin ayaa waxa argagax ku riday dhaawaca Vinicius Junior oo si dhab ah u wiiqaya weerarkii diciifka ahaa ee kooxdiisa ee hantaaqadu kasoo gaadhay bixitaankii Karim Benzema.
Iyadoo suuqa iibka ciyaartoydu uu xidhmayo Jimcaha, waxa Florentino Perez soo gaadhaya baaqyo badan oo loogu sheegayo inuu la saxeexdo weeraryahan cusub maadaama Vinicius Junior uu meesha ka baxay, sidoo kalena Joselu aanu qaadan karaynin doorkaas.
Real Madrid oo markii uu ka dhaawacmay goolhaye Thibaut Courtois beddelkiisa la saxeexatay Kepa Arrizabalaga oo ay amaah kaga soo qaadatay, balse diidday inay safka kooxdooda ku xoojiyaan difaac u beddela Eder Militao oo muddo lix ama toddoba bilood ah garoomada ka maqnaanaya, ayaa waxa ay mar kale diidday inay la saxeexato weerarahan kale.
Sida uu qoray wargeyska Marca, Florentino Perez iyo Jose Angel Sanchez ayaa caddeeyey in aanay beddelayn qorshahoodii ahaa inay uga dhamaatay suuqa xagaagan oo aanay wax ciyaartooyo ah la saxeexan doonin, inkasta oo Vinicius Junior uu ka maqnaanayo ugu yaraan shan ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah iyo laba ama saddex ciyaarood oo wareegga group-yada Champions League ah.