Kismaayo oo lagu qabtay Kulan looga hadlayay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa beeraleyda iyo xoola dhaqatada

0
117

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay u adkeeysiga abaaraha iyo sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa beeraleyda iyo xoola dhaqatada Jubbaland iyagoo ka faa’ideystanaya mashruuca Boresha oo ah mashruuc loogu tala galay in lagu horumariyo xoola dhaqatada iyo beeraleyda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha Wasaaradaha Jubbaland ee kala ah  qorsheynta,gar-gaarka ,beeraha ,biyaha iyo marti sharaf kale.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya