kulan looga hadlayay ka hortaga Nafaqo darradda oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

0
285

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi oo uu horkacayey Madaxa Xafiiska Hay’adda WFP uqabilsan Galmudug Maxamed Nuradiin ayna qeyb ka ahaayeen Iskuduwaha Gargaarka ee Xafiiska WFP Somalia Andrea Berardi iyo Xubno sare oo ka socday Hay’adda WFP ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug kulan kula yeeshey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Abdiweli Abdullahi Jaamac oo uuna qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Mudane Abdirahman Mohamed Dirie (Makaawi) iyo madaxda iyo howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Kulanka ayaa waxa looga wada Hadley Xoojinta xiriirka wadashaqayn ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adda WFP, Wax ka qabashada Xaaladaha Nafaqo darro ee kajira Deeganada Galmudug gaar ahaan degmooyinka aan wili helin daryeel Cafimaad.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa