Real Madrid Oo Cashar U Dhigtay Liverpool Una Soo Baxday Wareega 8da UCL & Liverpool Oo Xasuuq Wadareed 6-2 Lagu Reebay.

0
101

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa si raaxo leh ugu soo baxday wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 1-0 ku dubteen Liverpool oo lugtii labaad ee wareega 16ka marti ku aheyd Santiago Bernabeu.

Waxay tani la micno tahay in Los Blancos ay kooxda Ingariiska ku xasuuqday labada lug ee wareega 16ka 6-2, iyadoo Benzema uu dhaliyay goolkii caawa ay Real Madrid ku badisay.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay aheyd mid xiiso badan iyadoo labada kooxoodba ay fursado waa weyn iska kala heleen laakiin labada goolhaye Courtois iyo Allison ayaa wacdarro dhigay.

Goolhayaha Liverpool waxa uu sameeyay labo badbaadin oo waali ah, mar waxa uu faraha foodooda ku bixiyay kubad gantaal aheyd oo ka timid Camavinga taasoo ku sii dhacday birta goolka.

Waxa uu sidoo kale fursad gool loo fishay ka beeniyay Vinicius Jr. Goolhayaha Real Madrid isna mashquul ayuu ahaa waxa uu fursad dahabi aheyd ka badbaadiyay Darwin Nunez halka uu fursad kale ka beeniyay Cody Gakpo.
Bilowgii qeybta labaad Alisson ayaa mar kale sameeyay badbaadin cajiib ah markii uu fursad weyn ka beeniyay Valverde ka hor inta uusan kubada ka qabanin Benzema.

Ugu danbeyn Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiqiadii 78aad, kubad uu Camavinga u dhex bixiyay Benzema ayaa waxaa ka difaacday Van Dijk laakiin kubada waxay aaday dhanka Vinicius kaasoo isagoo dhulka jiifa kubada u dhigay Benzema oo si sahlan shabaqa ugu taabtay.

skysports alisson real madrid 6090158

Dadaal kasta oo ay Liverpool bixisay waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay iyadoo ay u babac dhigeen daafacyada Real Madrid.

Laakiin Los Blancos ma aheyn koox difaac ku jirtay kulankii caawa, waxayna u soo diyaargaroobeen inay guul ku xaqiijiyaan u soo bixitaankooda wareega sideed dhamaadka Champions League, wayna ka dhabeeyeen hamigooda.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Los Blancos ku garaacday Liverpool iyadoo kooxda Boqortooyada ay ku soo baxday xasuuq 6-2 ah oo ay u geysteen kooxda Liverpool.