Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Real Madrid oo haysata faa’idada lugtii hore ayaa Santiago Bernabeu ku qaabilaysa dhigeeda Liverpool oo iyadu guul soo laabasho ah doonaysa.
Los Blancos ayaa Reds guul 5-2 ah kaga soo gaadhay Anfield lugtii hore waxayna caawa u dadaali doonaan sidii ay ugu yaraan guuldarro weyn uga badbaadi lahaayeen ee ay wareega siddeed dhammaadka ugu gudbi lahaayeen.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Real Madrid waxa mudo kaddib usoo laabtay daafaca bidix ee Ferland Mendy halka sidoo kale Karim Benzema kasoo kabtay dhaawacii uu kulankii Espanyol kaga maqnaa.
Madrid waxa wali kasii maqnaan doona khabiirka daafaca dhexe ee David Alaba. Nacho ayaa daafaca bidix kusoo bilaaban kara isagoo xaga dambe kala ciyaaraya Carvajal, Rudiger, Militao iyo goolhaye Courtois.
Liverpool waxa wali dhaawacyo ka qaba Luis Diaz, Thiago Alcantara, Joe Gomez iyo Calvin Ramsay walow Diaz iyo Gomez tababarka dib u bilaabeen.
Fabinho, Henderson iyo Bajcetic oo aan tababarkii u dambeeyay kasoo muuqan balse la duulay Liverpool ayaa lagu wadaa inay khadka dhexe ugu soo wada bilawdaan Reds.
Darwin Nunez iyo Mohamed Salah ayaa markale labada garab weerar dheelaya halka Cody Gakpo weerarka dhexe kusoo bilaaban karo.