Man United Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ka Gaartay West Ham Iskana Xaadiray Wareega 8da FA Cup.

0
133

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa si rasmi ah ugu soo gudubtay wareega sideed dhamaadka FA Cup ka dib markii ay guul soo laabasho cajiib ah ka gaareen West Ham United oo marti ku aheyd Old Trafford.

Man United ayaa gool looga hormaray ku bedashay seddex gool, waxayna iska xaadireyeen wareega sideed dhamaadka FA Cup. Benrahma ayaa hogaanka u dhiibay West Ham, laakiin goolka ay iska dhaliyeen West Ham iyo goolka guusha uu dhaliyay Garnacho iyo gool seddexaad uu ku daray Fred ayay United ku soo baxday.

West Ham ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigeysay qeybtii hore marka loo eego Manchester United kuwaasoo ciyaartooda ay aheyd mid aan halis weerar laheyn.

Si kastaba, goolhaye Areola ayuu ahaa midkii lagu qasbay inuu sameeyo badbaadintii ugu fiicneyd qeybtii hore ee ciyaarta markii uu badbaadiyay kubad gool loo fishay oo ka soo baxday xiddiga Man United Sabitzer.

West Ham ayaana hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 53aad markii Soucek uu kubad u soo celiyay Benrahma oo isna ku guuleystay inuu shabaqa meel kore ka geliyo. Ciyaartoyda United ayaa iska istaagay markii kubada uu qabtay Soucek iyagoo moodayay inay kubada baxday laakiin VAr ayaa xaqiijisay inaysan kubada bixin.
Daqiiqadii 60aad West Ham ayaa ku dhawaatay inay hesho goolkeedii labaad markii Fornals qasaariyay kubad gool loo fishay.

Daqiiqadi6 64aad David de Gea ayaa fursad kale oo dahabi aheyd ka beeniyay Antonio.

Daqiiqadii 72aad Casemiro ayaa moodayay inuu ciyaarta u barbareeyay Man United ka dib kubad uu madax ku dhaliyay laakiin VAR ayaa goolka diiday madaama uu offisde jiray.

Man United ayaase si rasmi ah u heshay goolka barbaraha daqiiqadii 77aad markii kubad uu soo qaaday Bruno Fernandes uu u booday Weghorst uu kaga hormaray Aguerd oo isaga shabaqa madax isaga dhaliyay.

Waqtigii dhimashada ciyaarta Manchester United ayaa heshay goolka guusha iyagoo dhameystirtay soo laabashadooda, waxaana shabaqa u soo taabtay oo goolka guusha u saxiixay da’ yarka Garnacho.

Wuxuu ka soo jaray garabka bidix ka hor inta uusan kubad qurux badan shabaqa dhex dhigin.

Daqiiqadii afaraad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray Man United ayaa guusha sii xaqiijisatay markii Fred uu dhaliyay goolkii seddexaad ee ciyaarta.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay 3-1 oo ay Man United kaga takhalustay kooxda West Ham United,