Hordhac: Man United vs Arsenal – Gunners Oo Imtixaan Ku Mareysa Old Trafford & Erik ten Hag Oo Hubkiisa Qarsoodiga Ah Soo Bandhigaya.

0
146

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa tijaabo adag mareysa maanta oo Axad ah marka ay booqdaan Manchester United, madaama ay yihiin kooxda kaliya ee wada badisay shantii kulan uga horeysay xilli ciyaareedka Premier League.

Waxay ka horimaanayaan  kooxda tababare Ten Hag oo ku jirta qaab ciyaareed aad u fiican ka dib markii ay soo badiyeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ka dib markii ay labo guuldarro oo isku xigta ku bilowdeen xilli ciyaareedka.

Tababare Mikel Arteta ayaa waxaa hortaala su’aal adag oo jawaabteeda la heli doono ka dib ciyaarta Old Trafford madaama Gunners aysan weli wajihin koox loo arko inay ku dhameysan karaan 10ka sarre ee horyaalka.

Kulanka: Man United vs Arsenal

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 6:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Paul Tierney

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Manchester United ayaa la soo bixi doonta hubkoodii ay ku tashanayeen iyadoo tababare Ten Hag la filayo inuu kulankiisii ugu horeysay safo xiddiga ay 81ka milyan ginni ku iibsadeen ee Antony halka Casemiro uu ku soo bilaaban karo kulankiisii ugu horeysay ee garoonka Old Trafford.

Anthony Martial ayaan weli diyaar aheyn madaama uu dhaawac qabo.

Arsenal ayaa weli qiimeyneysa goolhaye Aaron Ramsdale iyo xiddiga khadka dhexe Martin Odegaard ka dib markii ay dhaawacmeen kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Aston Villa.

Oleksandr Zinchenko ayaa sidoo kale shaki uu ku jiraa sababtoo ah dhibaato uu ka qabo jilibka, wuxuuna maqnaa labadii kulan ee ugu danbeysay ee Gunners.

Reiss Nelson, Thomas Partey iyo Mohamed Elneny ayaa weli dhaawac ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, Martinez, Malacia; Casemiro, Eriksen; Sancho, Fernandes, Ronaldo; Rashford

Arsenal: Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Tierney; Xhaka, Lokonga; Saka, Smith Rowe, Martinelli; Jesus

MA OGTAHAY?

♦ Manchester United ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Arsenal waxayna aheyd guushoodii 3-2 ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

♦ Guusha kaliya ee Arsenal ay ku gaartay Old Trafford kulan horyaalka ah 15kii kulan ee ugu danbeysay waxay aheyd guul 1-0 ah oo ay gaareen bishii November 2020.

♦ Gunners ayaa 17 guuldarro oo Premier League ah ay ku soo gaartay Old Trafford, waa kooxda ugu badan ee dhibane ku noqotay Tiyaatarka Riyada.

♦ Man United ayaa kaliya hal kulan shabaqa ilaashatay 16kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Arsenal.

♦ Manchester United ayaa badin karta kulankii afaraad oo isku xigta ee Premier League markii ugu horeysay tan iyo bishii April 2021.

♦ Arsenal ayaa badisay shantii kulan ee ugu horeysay horyaalka markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2005-05 markaasoo ay kaalinta labaad ku dhameysteen. Markii ugu danbeysay ee ay badiyaan lixda kulan ee ugu horeysa horyaalka waxay aheyd xilli ciyaareedkii 1947-48, waqtigaasoo ay ku guuleysteen horyaalka.