Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa u safri doona Manchester City ka dib markii la shaaciyay isku aadka wareega 3aad ee koobka Carabao Cup.
Kooxda Thomas Tuchel ayaa wajihi doonta kooxda difaacaneysa Premier League bisha November iyadoo kulankaan uu qeyb ka noqon doono jadwalka mashquulka ah ee ka hor Koobka Adduunka.
Blues waxaa koobkaan ka qaaday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Liverpool halka Manchester City ay koobka ku guuleysatay afartii sanno ee ka horeysya.
Kulankaan adag ayaa keeni doona inuu Raheem Sterling ku laabto garoonkii uu ka soo tagay xagaagan ee Etihad Stadium.
Xiddiga Ingariiska ayaa shan jeer ku guuleystay Carabao Cup mudadii uu joogay City, wuxuuna rajeynayaa inuu waqtigaan la qaado Chelsea.
Dhanka kale kooxda koobka difaacaneysa ee Liverpool waxay martigelin doontaa kooxda heerka seddexaad ee Derby County, halka Manchester United ay soo dhaweyn doonto kooxda Premier League ee Aston Villa.
Red Devils waxay la balansan tahay kooxda Steven Gerrard iyadoo kulankaan uu ka mid ah todoba kulan oo ay kooxo Premier League ah isku dhacayaan.
Waxaa ka mid ah kulanka ay Tottenham u safreyso Nottingham Forest iyo kulanka ay Arsenal Ermirates Stadium ku soo dhaweyneyso Brighton.
Newcastle waxay St James Park ku qaabili doontaa Crystal Palace halka Bournemouth ay martigelin doonto Everton iyadoo Wolves iyo Leeds la isku balamiyay.
Isku Aadka Wareega 3aad Ee Carabao Cup
Arsenal vs Brighton
Bournemouth vs Everton
Brentford vs Gillingham
Bristol City vs Lincoln City
Burnley vs Crawley
Leicester City vs Newport County
Liverpool vs Derby
Manchester City vs Chelsea
Manchester United vs Aston Villa
MK Dons vs Morecambe
Newcastle United vs Crystal Palace
Nottingham Forest vs Tottenham
Southampton vs Sheffield Wednesday
Stevenage vs Charlton
West Ham vs Blackburn
Wolves vs Leeds
Kulamadaan waxaa la ciyaari doonaa todobaadka ka bilaabanaya 7da bisha November ee sannadkan 2022.