Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dab xoogan oo seqdii dhexe ee xalay
Ka kacay guri ku yaalo xaafadda 13aad magaalada Jigjiga, ee Caasimadda Dowlad degaanka Somaalida.
Inta la xaqiijiyay Waxaa Dabka ku dhintay 4 qof oo saddex kamid ah ay yihiin walaalo, iyo dhaawac soo gaaray hooyada dhashay caruurta ku geeriyooday debka iyo aabbaha dhalay carruurta.
Hay’adaha ammaanka oo soo gaaray debka kadib goobta ayaa sheegay in sababta uu dabkani u kacay aanan la garaneeyn balse ay wadaan baritaano xoogan oo lagu ogaanayo sababta ka danbeeysay debka.