Xaalad nolol xumo oo soo wajahday qoysas Barkacayaal ah oo soo gaaray Deegaanka Dag-alima ee Gobolka Jubbada Hoose.

0
168

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Duruufo Adag oo dhanka nolosha ah ayaa soo wajahday Boqolaal Qoys oo ku soo barakacay Deegaanka Dag-alima ee Dhaca Koonfurta Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qoysaskan ayaa iskugu jira xoola dhaqato iyo sido kale Beeraley waxayna dhibanayaal u noqdeen Abaaraha ka jira Qeyb badan oo kamid ah Gobolada Dalka kadib markii ay abaartii dhaafisay xoolihii ay dhaqan jireen.

Qaar kamid ah Qoysaskan oo lahadlay Cod baahiyaha Sanguuni ayaa kawarbixiyay xaaladooda nololeed iyago codsaday in Gar gaar Bini’adanimo lala soo gaaro.

Dhan kale Guddomiyaha Deegaankaasi Dag-alima Bishaar Sheekh Ibraahim ayaa Dhankiisa kawarbixiyay Duurfaha Nololeed ee heysta Barakacyaasha Dag-alima isago ugu baaqay Dowlad Goboleedka Jubbalaand in ay Caawimaad u fidiso qoysaskaasi ku tabaaleysan Deegaanka Dag-alima ee Gobolka Jubbada.

Abaaraha xoggan ee ka jira guud ahaan Geeska Africa gaar ahaan qeybo badan oo kamid Dalkeena Soomaaliya ayaa saameyno kala duwan ku yeeshay kumaan qoys oo xoolo dhaqato Beeraley kuwaasi xilagan Barkac ku ah Magaalooyinka Dalka.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya