Maamulka Magaalada Dhoobley oo Hay’addaha Deegaanka ka howlgala ugu baaqay in ay shaqaalaysiinta dhalinyarada Dhoobley mudnaanta Kowaad siiyaan

0
159

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyaradu waa jiilka soo koraaya ee bulsho kasta, waana indhaha iyo mustabalka mushtamac walba. Dhalinyaradu waxay muhiim u yihiin wadanka oo idil, waana sababta bulshooyinka caalamku ay doormuhiim ah uga ciyaaraan kobcinta jiilalka soo koraya iyaga oo laga dhisayo dhinac walba sida caafmaadka, waxbarashada, madadaalada iyo maaweelinta iyo kobcinta maskaxdooda iyaga oo sidoo kale loo tababaraayo qofkasta iyo waxa uu ku fiican yahay.

Gudoomiyaha Magaalada Dhoobley siyaad maxamed xasan oo radio sanguuni lahadlay ayaa Hay’addaha Deegaanka ka howlgala ugu baaqay in ay mudnaanta Kowaad siiyaan shaqaaleysiinta dhalinyarada ku nool magaalada Dhoobley loona cadaalad falo dhalinyarada lashaqalaysiinayo ee laga qaadayo imtaxaanka si loo helo dhalinyaro ku timid aqoon ay leeyihiin ee aan ku imanin hab cadaalad darro.

Gudoomiye Siyaad oo hadakiisi sii wato ayaa  balan qaaday in ka maamulka ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii ay dhalinyarada ugu cadaalad fali lahayeen si uu qof walba uu u helo shaqada uu mudanyahay.

Baaqyada ay dirayaan maamulka deegaanka ayaa soo badanaya iyadoo Sanad walba jaamacadaha kala duwan ee dalka ay soo saaraan da’yar baratay culuumta noocyadeeda kala duwan, waxaana marka ay shaqo raadis noqdaan ay la kulmaan culeys weyn oo dhanka shaqi yaraanta ah, iyagoona qaar kood ay ku kalifto in ay dalka iskaga tahriibaan halka kuwa kalena ay noqdaan kuwa isku yimaada goobaha kala duwan ee lagu qaxweeyo.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya