Madaxweyne Axmed oo la kulmey Dhalinyarada Magaalada Dhoobley

0
207

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta la kulmay ururka dhalinyarada ee Degmada Dhoobley.
Madaxweynaha ayaa mid mid u dhageystay talooyinka dhalinyarada ay soo jeedinayeen ee la xiriira wax ka qabashada adeegyada bulshada oo ay ugu horeeyaan Caafimadka, Ciyaaraha, Farsamada gacanta iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Degmada Dhoobley.
Madaxweynaha Jubaland ayaa u sheegay dhalinyarada in Dowladda ay waqti badan ku bixineyso sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada, qayb weyna ay uga noqon lahaayeen xafiisyada maamul ee Dowladda.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay dhalinyarada in ay dedaal badan ku bixiyaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen bulshadooda, sidoo kalena ay qayb weyn ka qaataan horumarka deegaanka ka socda.