Warbixin:-Sidee loo ilaalin karaa deegaanka loogana hortagi karaa Xaalufinta dhirta?

0
562

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha lama soo koobi karo. mana jirto cid aan si toos ah ama si dadban ugu tiirsanayn dhirta.Deegaanku wuxuu aad muhiim ugu yahay dhinac kasta oo ka mid ah nolosha.

Wax kasta oo ka luma deegaanka, waxaa ay si saamigal ah uga muuqanaysaa hoos-u-dhaca tayada nolosha dadka deegaanka. Sidaa daraadeed, waa shay aad u muhiim ah oo ay tahay in la dhowro, si ay looga munaafacaadsado qaab aan wax u dhimeyn nolosha jiilalka mustaqbalka

Waxaa jirey in wacyiga dadka ee arrintan la xidhiidhaa uu korayey. Nasiib-darro dedaalladan waa kuwo aad u yar marka loo eego xawaaraha uu ku socdo xaalufka deegaanku

Qaar kamid ah aqoonyahanada bartay cilmiga bey’ada ee ku nool deeganka dhoobley ayaa Radio Sanguuni Sharraxaad dheer uga bixiyay  sida loo ilaalin karo deeganka loogana hotagi karaa xaalufinta dhirta.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay