Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Nadaafada oo lagu dadaalo ayaa horseedi karta in qoyskasta uu ku noolaado cafimaad.Sidokale Nadaafad darada ayaa waxaa ka dhalan karo xaalada caafimaad daro oo halis ah.In xilliga ugu habboon la meyro gacmaha, dharka iyo waxyaabaha kale ayaa muhiin u ah nadaafadda qoyska.
Hadaba Dr khaliif Axmed Bashiir oo ka howlgala isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Boosniya ee Magaalada Dhoobley ayaa uga baaqay bulshada in ay ku dadaalaan nadaafada qoyska isagoo ka warbixiyay sida uga fudud ee jeermisku ugu faafi karo qoyska.
Dhanka kale Dr’s Sahara Axmed Xassan oo ah madaxa MCH-ka bosniya ee magaalada dhoobley ayaa sheegtay in hooyadu ay tahay udub dhaxaadka qoyska islamarkaana looga baahanyahay in ku dadaasho nadaafada qoyska.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya