Q.M oo walaac xoog leh ka muujisay abaarta daba dheeraatay ee ka jirta Soomaaliya

0
207

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-War saxaafadeed dheeraa oo kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa looga hadlay saameynta abaarta daba dheeraatay ee ka jirta Soomaaliya iyo duufaan aad u daran oo astaan u ah roob yari, sicirka cuntada oo cirka isku shareeray iyo deeq yari aad u badan oo ay keeneen in ku dhawaad 40% Dad Soomaaliyeed ay qarka u saarnaadaan xaalad macluul ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay halis ugu jiraan Malaayiin Soomaali ah inay ku habsato macluul, iyadoo saameynta abaarta daba dheeraatay ay sii waddo inay baabi’iso nolosha iyo noolaha, maadama baahida sii kordheysa ay ka badan tahay gargaarka bani’aadamnimo ee loo heli karo, islamarkaana ay  ka digayaan hay’adaha Qaramada Midoobay xaaladaas Bani’aadanimo ee daran.

“Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO), Xafiiska Isku-dubbaridka Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA), Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), iyo Hay’adda Cunnada Adduunka ee (WFP) ayaa ku baaqaya in si degdeg ah dhaqaale loogu deeqo, si loo suurtageliyo in sare loo qaado gargaarka naf-badbaadinta ee Soomaaliya.” War saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidaa lagu yiri.

Isagoo sii hadlayay Mr Abdelmoula Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu baaq u diray mas’uuliyiinta iyo saaxiibadooda horumarineed in ay si dhab ah u dhaqmaan oo ay gacan ka geystaan ​​kor u qaadista deeqaha si loo daboolo buu yiri baahiyaha degdega ah ee sii kordhaya, loona badbaadiyo nafo badan iyo samata bixinta noole badan kuwaas oo ah Dadka Soomaaliyeed.