Kooxda Manchester United oo todobaadka soo socda ku dhawaaqaysa Tababaraheeda cusub

0
209

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la filayaa inay diyaar u tahay inay xaqiijiso in Tababaraha Ajax ee Erik ten Hag uu yahay Macallinkooda cusub horraanta todobaadka soo socda.

Macalinka reer Holland ayaa u muuqda inuu yahay musharraxa ugu cadcad inuu xilka Old Trafford kala wareego Tababare Ralf Rangnick, waxaana durba la rumeysan yahay inuu wadahadallo la yeeshay Madaxda Red Devils.

Waxaa jirtay cabsi kooban oo laga qabay in Man United ay wayso Ten Hag, kaasoo la fahamsan yahay inuu dalbanayo 100% ku lug lahaanshiyaha suuqa kala iibsiga, sidoo kalena ay la dhacsan tahay Kooxda RB Leipzig.

Si kastaba ha ahaatee, Warsidaha Football Insider ayaa haatan sheegaya in Man United ay si fiican ugu dhowdahay inay la wareegto Ten Hag oo ay bixiso 1.7 milyan oo gini oo ah lacagaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Ajax, waxaana laga yaabaa inay ku dhawaaqdo imaatinka 52-sano jirkaan kaddib marka kooxdiisa ay Koobka KNVB ay la ciyaarto PSV Eindhoven Axadda.

Tababare Ten Hag ayaa si caro leh u diiday in uu ka hadlo shaqada Man United isagoo ku guda jiray shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay, laakiin warbixintu waxa ay intaa ku dartay in uu haatan qarka u saaran yahay inuu aqbalo dalabka Red Devils ee ah in uu majaraha u qabto naadiga.

Ten Hag ayaa badiyay 156 ka mid ah 209-kii kulan ee uu hoggaaminayay Kooxda Ajax tartammada oo dhan,waxaana kooxdiisa oo hoggaanka u haysa horyaalka Eredivisie ay afar dhibcood ka sareysaa Naadiga PSV Eindhoven.