Carruur Danyar ah oo Fursado Waxbarasho oo Lacag la’aan ka helay goobaha Waxbarasho ee Deegaanka Dhoobley

0
263

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-kadib Burburkii Dowladii Dhexe ee Dalka waxaa meesha ka baxay Xarumihii waxbarasho ee ay Dowladu Gacanta Ku Haysay Waxaana Mudadaas dalkeena ka Jiray Goobo waxbarasho oo Gaar loo leeyahay kuwaas oo ka Hawlgala Dhammaan Gobolada dalkeena Soomaaliya.

Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku yaalo xarumo waxbarasho oo lacag la’aan kuwaasi oo ay ka Faa’iidaysteen carruur badan oo danyar ah oo iskugu jira kuwo ka soo laabtay Xeryaha Qoxootiga dhadhaab ee Dalka Kenya iyo qaar kasoo barakacay Deegaanada ay abaaruhu saameeyeen.

Qaar kamid ah caruurta dan yarta ee wax ka dhigata  Iskuulka Hoose, dhexe ee Xaafada Danwadaag oo Warbaahinta Sanguuni la hadley ayaa kawarbixiyay sida ay uga faa’iideysteen xaruuntan waxbarsho ee lacag la’anta ah ee dhawaan laga hirgaliyay xaafada Danwadaag.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku egeysa