R/wasaarihii dalka Pakistan oo xilkii laga qaaday

0
196

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Cimran Khan ayaa lumiyey codka kalsoonida kaddib marki baarlamaanka dalkaas aqlabiyaddiisii ka codaysay hoggaamintiisa.

Arrintan ayaa timi kaddib markii ay mooshin ka dhan ah Cimran khan ay soo dhigeen xisbiyada mucaaradka.

Baarlamaanka dalkaas ayaa looga fadhiyaa in ay maalmaha soo aaddan Ra’isal Wasaare cusub degdeg u soo magacabaan.

Waxayna Isniinta yeelanayaan kulan degdeg ah si ay u doortaan Ra’isal Wasaarihi baddali lahaa Cimraan Khaan oo codka kalsoonida ka waayey baarlamaanka.

Daqiiqado ka hor inta aysan codbixintu bilaaban, afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Pakistan – oo xulafo la ah Mr Khan – ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo.

Xubno ka tirsan xisbiga Mr Khan (PTI) ayaa isaga baxay dhismaha, iyagoo ku adkeystay inuu dhibane u yahay shirqool caalami ah oo la soo maleegay.

Qofka Ra’isal wasaaranimada loo doortaa dalkan wuxuu xilka sii haynayaa ilaa bisha October 2023-ka, xilligaas oo ay doorashada xigtaa qabsoomeyso.

Waxyaabaha ay uu ku fashilmayna waxay ku sheegeen inuu ballan qaaday maamulka inuu hagaajinayo balse uu ka soo bixi waayey iyo inuu ku fashilmay inuu ceydhiyo shaqsiyaadka waajibaadkooda gudan waayey sida taliyaha sirdoonka iyo Guddoomiyaha Punjab.

Halkan mucaaradka qaarkoodna ay ku eedeeyeen inuu ku dhaqmay khiyaamo qaran.

Cimraan Khaan bishi hore wuxuu ku sugnaa caasimadda Moscow gaar ahaanna maalintii uu Ruushka soo qaaday duullaanka Ukraine, wuxuuna difaacay tallaabbooyinka uu qaaday madaxweyne Putin.

Halka Taliyaha guud ee ciidamada Pakistan General Qamar Javed Bajwa uu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Cimraan Khaan ayaa noqonayaa ra’isal wasaarihi ugu horereyey ee Pakistan oo codka kalsoonida uu baarlamaanka ka waayey xilka looga qaado.Cimraan Khaan oo sanadihi uu ciyaarayey ciyaarta Cricket-ka loo arkayey inuu ahaa halyey qaran ayaa 2018-ki Ra’isla Wasaare noqday isaga oo ciidamada taageero ka helaya.