Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ingariiska, Mason Mount, ayaa sheegay in rajada ay kooxdiisa Chelsea ka qabto inay soo laabasho sameyso kulanka lugta labaad wareega sidddeeda Champions League ay kula ciyaari doonaan Real Madrid ay tahay mid aad u adag.
Real Madrid ayaa guul ka soo heshay kooxda Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulanka lugta hore wareega siddeeda ee tartanka Champions League.
Haddaba Mason Mount oo la hadlay kanaalka rasmiga ah ee Chelsea ayaa sheegay in Blues ay tahay inay hudada ka kacdo, isla markaana ay adag tahay inay ka soo laabtaan Real Madrid, kulanka lugta labaad.
Xiddiga reer England oo ka hadlayay arrintan ayaa wuxuu yiri: Tani waa kubadda cagta, waxaana ogaanay sida ay hawsha u adag tahay, hadda waxaan haysanaa buur wayn oo aan fuuli karno xilliyada soo socda, waana inaan sii wadnaa inaan u ciyaarno koox ahaan.”
“Waxa kaliya ee aan diirada saarayno hadda waa kulanka Southampton, waxaan aad uga walwalsanahay kulankan in ka badan kan Real Madrid ee todobaadka soo socda.”
“Fursadaheena Champions League weli ma nool yihiin? Maya, qaab ciyaareedkaan ma awoodno, marka hore waxaan u baahanahay inaan ku ciyaarno kulanka Southampton anagoo heysana maskax sax ah.”
“Haddii ay dhacdo inay xaallada isbadesho, laakiin imisa kooxood oo kubbadda cagta adduunka ah ayaa ku guulaystey 3 gool kulanka lugta labaad, imisa jeer ayay tani dhacday? Waa inaan runta ka hadalnaa oo aan ku fikirnaa aan mar labaad u heli lahayn ruuxeena tartanka iyo tayadayad.”