Macalimiinta Dhoobley oo Bulshada Deegaanka Ugu Baaqay in ay ka shaqeyaan Horumarinta Waxbarashada.

0
377

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka dhoobley ayaa mudooyiinki dambe  sameynayay kobac dhanka waxbarashada, xaruumo waxbarasho ayaa kusoo kordhayan deegaanka maalinba maalinta kadambeysa iyada oo waliba xiligan magaalada dhoobley ay ku yaalan iskulaad iyo macaahid kala duwan oo bixiya adeegyada  waxbarashada, ayaa hadana waxaa wali socdaa kobcinta waxbarashada aasaasiga ah ee deegaanka.

Waxbarashada deegaanka maadi iyo diiniba ayaa si xooggan u kobcaysay wakhtiyadii lasoo dhaafay iyadoo walibo ay jiraan horumarro badan oo degdeg ah dhanka waxbarashada markii la eego sanadihii  lasoo dhaafay.

Hadaba Waxaan Waraysi la yeelanay Qaar kamid ah Macaliminta wax ka dhiga iskuulaadka dhoobley kuwaas oo bulshada degaanka ugu baqay inay ka shaqeyaan Hormarinta waxbarashada.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay