Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddomiyaha Gobolka jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni ayaa kawarbixiyay sida ay dadka ku nool Jubbada Hoose gaar ahaan dadka rer Guuraga u saameysay abaarta daba dheeraatay ee ka jirta dalka.
Guddoomiye Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni ayaa ugu horeyn u mahad celiyay guud ahaan madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Jubbaland oo uu shegay in ay dadaal badan ku bixisay sidii loogu gurman lahaa dadka Dhibaatoyinka kala duwan ka dhaxlay Abaaraha waqtigan ka jira dalka wuxuuna sheegay in ay Wasaaradu la timid qorshe cad oo dadka gurmad heer kasta ah logu sameynayo Maamulka Gobalkuna uu si dhow ula shaqeeyo.
Ugu danbeyn Guddomiyaha Gobolka jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni ayaa baaq u diray umada Soomaaliyeed Ha’yaddaha Caalamiga ah iyo cid kasta oo garab ku siin karta Caawinta dadka Soomaaliyeed ee duruufaha adag ka dhaxlay Abaaraha ka jira dalka gaar ahaan Deeganada Jubbaland.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya