Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Dubai ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta uga qaybgalaya Shirka Dawladaha Aduunka kaas oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 190 Wadan.
Shirka oo maanta galay maalintii labaad ayaa maanta lagu soo bandhigay doodo xoojinaya dawladnimada, sidoo kalena kor loogu qaadayo hal abuurnimada si dawladaha caalamka ay ula jaan qaadaan isbadalada Caalamiga ah.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Duran Farah ayaa sheegay in qorshaha iswaafajinta duulimaadyadda rayidka ah iyo Amniga Internetka ee maanta lasoo bandhigay uu wax badan ka taridoono badqabka Duulimaadyadda Rayidka ah.
Soomaaliya ayaa Shirka kusoo bandhigtay Fikrado la xariira iskaashi caalami ah oo ku salaysan horumarinta kaabayaasha Dhaqaalaha ay ugu horeeyaan Horumarinta Garoomada Diyaaradaha.