Gudiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland oo Iskuulaadka Magaalada Kismaayo ka bilaabay Olole Dhaqaale loogu aruurinayo dadka ay Abaartu saameysay.

0
200

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xubno kamid ah gudiga ka jawaabista musiibooyiinka dowlad goboleedka jubbaland ayaa booqasho ku tagay goobaha waxbarasho ee ku yaalo magaalada kismaayo.Gudigaasi ayaa maalmahan waday olole lacag loogu aruurinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee dagan deegaanada jubbaland.

Gudiga ayaa booqasho ku tagay iskuulada sida axmed binu xambal, rugte iyo xaruumaha jaamacadaha magaalada kismayo.intii ay booqashadaasi ku jireen waxaa lagu wareejiyay deeqo lacago ah oo loogu tala galay dadku ay abaaruhu saameynta badan u geesteen.

Maamulaha iskuulka axmed binu xambal barudiin shukri cabdullahi oo gudigan kuwareejiyay deeq lacageed oo gaareysa 400$ ayaa gudiga ku aamanay hawsha ay u hayaan dadka tabaaleysan.

Afhayeenka gudiga kajawaabista musiibooyiinka jubbaland ugaas cabdullahi siraad cabdi ayaa markii soo idlaaday booqashada u mahadceliyay iskuulada iyo jaamacadaha ka qeyb qaatay gurmadka abaaraha.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya