Doorasho maanta ka dhaceysa Beledweyne

0
349

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maanta oo Sabti ah, waxaa lagu wadaa in Magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada kursi ka mid ah kuraas ay hore u shaaciyeen Guddiga maamulka doorashada Hir-shabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Hir-shabeelle ayaa lagu shaaciyay in maanta oo Sabti ah bishuna tahay 26-03-2022 ay qabanayaan doorashada kursiga Hop#058, kaas oo ka mid ah kuraas afar ah ay liiskooda shalay soo saareyn.

Sidoo kale, Guddiga ayaa soo gudbiyay Odayaasha dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya kursiga Hop#058 oo deegaan doorashadiisa labaad tahay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.