Kooxda Barcelona oo qandaraas u soo bandhigtay weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski

0
415

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa Weeraryahanka Naadiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski u soo bandhigtay qandaraas ku eg illaa sanadka 2026.

Barcelona ayaa doonaysa inay xoojiso safkeeda xilli ciyaareedka soo aaddan si ay uga miro dhaliso mashruuceeda tan iyo imaatinkii Xavi ee garoonka Camp Nou, waxaana haatan diiradda u saaran xiddigo uu ka mid yahay Weeraryahanka reer Poland.

Heshiiska ay Barca ku doonayso Lewandowski dhibaato badan kama mari doonto maadaama Madaxweyne  Joan Laporta iyo wakiilka ciyaaryahanka Pini Zahivi ay saaxiibo dhow yihiin, waxaana Zahivi uu wakiil u yahay xiddiga Bayern tan iyo  2018, markaasoo uu weeraryahanku beddelay wakiilkiisii hore ee Cezary Kucharski, kaasoo ahaa kii u soo dhaqaajiyey kubadda cagta Jarmalka sanadkii 2010, Barca ayaana la rumeysan yahay inay diyaar la tahay qandaraas afar xilli ciyaareed ah oo u ku eg bisha June ee sanadka 2026.

Barca ayaa fahamsan in Lewandowski uu si heer sare ah u sii ciyaari karo labo sano oo kale (ilaa bisha June ee 2024) balse marka la eego khibraddiisa iyo xirfadlenimadiisa, waxa uu ka mid yahay xiddiga diiradda saara xirfaddooda ciyaareed, sidaas darteed waxaa la rajaynayaa inuu qaab ciyaareedkiisa wacan sii joogteeyo sanado badan.

Bayern′s Robert Lewandowski wins FIFA′s ′The Best′ honor | Sports | German  football and major international sports news | DW | 17.01.2022

Lewandowski ayaa xilli ciyaareedyadii dhowaa dhalinayey in ka badan 40 gool, waxaana guud ahaan uu dhaliyey 339 gool kaddib 366 kulan oo uu saftay, isagoo afartii kal ciyaareed ee la soo dhaafay kala dhaliyey goolal dhan 40, 55, 48 iyo 45 gool.