Laacibka ugu wanaagsan horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii 2020-21 oo lagu dhawaaqay xilli ay ku tartameen Ronaldo iyo Lukaku

0
186

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan horyaalka dalka Taliyaaniga ee Serie A xilli ciyaareedka 2020-21 ayaa la bixiyay iyadoo uu ku guuleystay laacibka weerarka uga ciyaara naadiga Chelsea ee Romelu Lukaku isagoo abaal-marintan ku garaacay dhiggiisa naadiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo.

Labadan xiddig ayaa suuqii xagaaga usoo dhaqaaqay ka ciyaarista horyaalka Premier League iyadoo uu Lukaku ku biiray naadiga Chelsea halka Ronaldo uu dib ugu laabtay Man United, yeelkeede, xiddiga Blues ayaa qayb ka ahaa naadiga Inter Milan oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka Serie A iyagoo 13 dhibcood ka sarreeyay kooxdii uu Ronaldo ka tirsanaa ee Juventus.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa ku guuleystay gool dhalinta horyaalka Serie A isagoo dhaliyay 29 gool waxaana uu kaga adkaaday Lukaku oo booska labaad kula jiray 24 gool, balse laacibka haatan Red Devils u ciyaara kuma aysan filnaan inuu abaal-marintan ku garaaco weeraryahanka reer Belgium.

Dhinaca kale, Ronaldo iyo Lukaku ayaa boosas ku yeeshay kooxda ugu wanaagsan horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 inkastoo ay haatan waqti adag ku qaadanayaan horyaalka Premier League.