Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka hadashay sicir bararka kajira Deegaanada Jubbaland.

0
335

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Ayaanle Xuseen Maxamed oo warbaahinta lahadlay ayaa ka hadlay xaaladaha adag waqtigan ee kajirta Suuqyada Soomaaliya ee ganacsiga si gaar ahaaneed ganacsiga Jubbaland iyo sicir barar xoogan oo waqtigan ka jira guud ahaan dalka.

Agaasime Ayaanle ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay marwalbo isku dayaan in dadka Soomaaliyeed uga faai’deystaan dhacdooyinka mararka qaar qeyba kamid ah dunida ka dhaca balse markaasi saameynteeda aysan Soomaaliya soo gaarin, waxaa uuna sheegay in badeecadaha horey u yaalay Magaalooyinka waaweyn ay aad sare uga qaadan iyagoo qiimaha ku dalacaya bulshada waqtigan duruufaha adaga ee nolosha la dala dhaceysa.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya