Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka nugaal ayaa waxaa ka socota doorashada lixdii kursi ee igu dambeysay kuraasta taalla degaannada Dowlad goboleedka Puntland.
Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa degaan doorashadoodu tahay Puntland.
Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, ayaa ku guulaystay Kursiga HOP073 ka dib markii Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Cabdi Jaamac uu tartanka isaga haray doorasho oo lagu qabtay Xerada 54 aad ee Magaalada Garoowe.