Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Tottenham Hotspur, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.
Daqiiqadii 12-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Cristiano Ronaldo kaddib markii ay caawin qurux badan kaga timid xiddiga reer Brazil ee Fred.
35 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Tottenham Hotspur ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badalay weeraryahankooda ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.
Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 38-aad wuxuu markale hoggaanka u dhiibay kooxda Manchester United, waxayna ciyaarta ka dhigay 2-1.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
72 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Tottenham Hotspur ayaa heshay goolka barbardhaca kaddib markii uu iska dhaliyay Harry Maguire dheesha ayaa awaxay sidaas ku noqotay barbardhac 2-2 ah.
Laakii daqiiqadii 81-aad Cristiano Ronaldo oo dhaliyay goolkiisa saddexaad ayaa wuxuu markale hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-2.
Ugu dambentii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa hada ku jirta kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka waxayna leedahay 50 dhibcood.