Barakacayaasha kaamka daryeel oo codsaday in guryo loo dhiso

0
233

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kaam daryeel waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose,  kaamkan  ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka  soo baracay abaarta ku habsatay dalka.

kaamkan ayaa waxaa   ku nool  dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday deeganka dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale.

Kaamkan ayaa waxaa ka jira xaalada bini’aadanimo oo isbiirsaday sida hoy la’aan,caafimaad daro iyo arima kale.

Kaamka daryeel oo ay ku noolyihiin in ka badan boqolaal qoys ayaan lehayn xaruun caafimaad xilli  kaamka ka jirto xaalado caafimaad darro.

Hadaba qaar kamid ah bulshada dan yarta ee ku nool kaamkaasi  ayaa maamulka deegaanka iyo hayadaha samafalka ka codsaday in loo dhiso hoy ay ka harsadaan cadceeda.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay