Isbitaalka rafiki ee Deegaanka Dhoobley oo lagu soo kordhiyay adeegyo cusub

0
211

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka rafiki waa isbitaal ku yaala Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose Isbitaalkan ayaa aas aasan muddo 5 sano ah islamarkaana daboolay baahiyo badan oo dhanka caafimaad ah oo kajiray deegaanka oo ay kamid tahay qaliimada waawayn daawaynta iyo sido kale raajada.

Isbitaalkan ayaa intuu aasaasnaa bulshada ka baahi tiraay adeegya badan oo laxiriira caafimaadka iyadoo dhawaan isbitaalka lagu soo kordhiyay mashiin cusub oo lagu baaro dhiiga guud, bulshada Deegaanka Dhoobley ayaa bogaadiyay hormarka uu ku talaabsaday isbitaalka.

Hadaba uga horeen Waxaan wareysi la yeelanay qaar kamid ah bulshada Magaalada Dhoobley oo bogaadiyay adeegyada isbitaalka ay ka helaan.

Dhanka kale Dr Cabdinaasir Bashiir Shide oo ah agaasimaha Isbitaalka rafiki oo aan ku booqanay xafiiskiisa shaqo ayaa inooga warbixiyay xaalada Isbitaalka iyo sido kale adeegyada cusub ee ay kuso kordhiyeen

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya