Kismaayo oo lagu qabtay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

0
298

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa maanta oo arbaca ah lagu doortay magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose  saddex xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan, Xasan Xuseen Maxamed ayaa kusoo baxay doorashada kursiga koowaad ee HOP126 waxa una helay 74-cod halka Musharaxa la tartamayay C/raxmaan Macalin Xuseen  uu isna helay 21-cod waxaa halaabay 5 cod.

Dr Axmed Aadan Axmed ayaa isna ku guulaystay kursiga sumaddiisu tahay #Hop127 waxa uu  helay  84 Cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi uu helay 16-cod, waxaa sidoo kale xildhibaannada soo baxay ka mid ah Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo cod gacan taag ah ku Guleystay  kursiga tirsigiisu yahay #HOP118